Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ganacsiga Kampala oo caadi kusoo laabtay

Intii ay socotay doorashadii Khamiistii lasoo dhaafay ka dhacday dalka Uganda, ayaa waxaa xirnaa qaar badan oo ka mid ah ganacsiga caasimada, gaar ahaan kuwa ay Soomaalida ku leedahay xaafadda Kiseyni.

Soomaalida ayaa ka cabsi qabay rabshado ka dhasha doorashooyinkaasi.

Balse waxaa hadda caadi kusoo laabtay noolasha caasimada ayada oo ay ganacsiyada dib u furmeen.

Waa kuwan qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Kampala oo ra'yigooda ka dhiibanaya xaaladdu sida ay tahay doorashada ka dib.