Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Puntland oo Alle bari roobdoon ah qabatay

Puntland waxaa ka bilowday Alle bari roobdoon ah, kaddib markii deegaanada qaar ay ku dhufteen abaaro aad u daran.

Qaar kamid ah deegaanada Puntland ayaan laba xilli roobeed helin roob taas oo keentay in abaarta ay kasii darto.

Alle bariga oo shalay bilowday, waxaa la fasaxay iskuullada, xafiisyada dowladana waala xiray, dadkii lahaa goobaha ganacsigana waxay shalay isugu tageen goobaha roobdoonka.

Maanta oo Jimca ahna dadka waxaa loogu baaqay inay Alle ka baryaan inuu abaarta ka dulqaado.

Wasiirka Cadaaladda, Awqaafta, Arrimaha diinta iyo dhaqan celinta ee Puntland, Saalax Xabiib Jaamac ayaa arrintaasi uga warramay Axmed Xaji Xassan.