Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mashruuc Soomaaliya dhaqaale loogu aruurinayo oo Muqdisho lagu daah furay

Magaalada Muqdisho waxaa maanta daaha looga rogay mashruuc loo bixiyay Fursad Fund oo ah sanduuq dhaqaale loogu ururinayo dadka Soomaaliyeed kaas oo ay hindiseen dhalinyaro Soomaaliyeed oo gudaha iyo dibada wadanka ku nool.

Furitaanka mashruucaasi waxa ka qaybgalay dad magac iyo maamuus ku dhex leh bulshada gaar ahaan dhalinyarta.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa waraystay Cabdi Xariir Baaruud oo ah madaxa sanduuqan Fursad Fund, waxana uu marka hore weydiiyay waxa loola jeedo Fursad Fund.