Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxda Afrika gacan maka geysan karaa xalka Burundi

Midowga Afrika ayaa shaaciyay in dalka Burundi ay u dirayaan boqol kormeerayaal xaquuqul insaanka ah iyo boqol askari oo dusha kala socda xaaladda dalkaasi.

Waxa uu midowgu sheegay in Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza, uu taageersan yahay qorshahaasi.

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa horkacayay wafdi ka kooban shan hogaamiyeyaal oo Afrikaan ah oo usbuucan booqasho laba maalmood ah ku tagay dalkaasi.

Midowga Afrika ayaa sheegay in dhexdhexaadiyaheeda, oo ah Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, uu sida ugu dhaqsiyaha badan ku qaban qaabin doono wadahadalo loo dhan yahay.

Haddaba DR cabduwahab cabdisamad oo ah khabiir ka faaloda arrimaha afrika ayaa cissa xaaji cabdille u waramay waxaana marka hore la weydiyay Hoogamiyayasha dalkaasi tegay xiisadu maxaa ay ka tari karaan.