Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo Maktabat cusub dhisaneysa

Dhismaha maktabada aad u weyn ayaa waxaa uu ka socdaa magaalada Hargeysa.

Maktabadan oo noqoneysa tii ugu horeysay ee ardada jaamicadaha iyo kuwo dugsiyada iyo cilmi baadhayaashu ka faa'iideysan karaan waxaa iska kaashanaya maamulka somaliland iyo qurba jooga.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa tegay dhismaha maktabada oo la hadlay koox dhallinyaro ah iyo gudoomiyaha maktabada Hargeysa Axmed daahir oo isagu ku bilaabaya hadalka halka dhismuhu maraayo hadda.