Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

QM oo gargaar gaarsiisay Syria

Shaqaalaha gargaarka ee Suuriya ayaa gargaar gaarsiinayay goobaha go'doonsan ee nawaaxiga Damascus ee gacanta ay ku hayaan kooxaha mucaaradka, iyada oo ay bilaabatay ballaarinta barnaamijka gargaarka bani'aadanimo ee Qaramada Midoobay.

Arrintan ayaa looga gol leeyahay in looga faaideysto xabadjoojin caga buuxda aan ku taagneyn oo keentay in dadkaasi gargaar la gaarsiiyo.

Hay'adda Qaramada Midoobay ayaa filaysa in shanta maalin ee soo socota ay awoodi doonto in ay gaarto in kabadan 150,000 oo qof oo ka tirsan bulshooyinka ay go'doomiyeen dagaalada.

Haddaba, deeqahan Qaramada Midoobay ay gaarsiineyso dadka go'odoonsan maxaa waxtar ah oo ay u yeelan kartaa deegaanada mudada dheer go'doonsanaa.

Fardosa M. Elmi ayaa ka wareysatay Dr Abdiwahab Abdisamad oo ka faaloodo arrimaha caalamka.