Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wiil Soomali ah oo buundo fiican keenay imtixaankii dugsiyada sare ee Kenya

Natiijooyinkii imtixaanka dugsiyada sare ee Kenya oo la shaaciyey Khamiisitii sida ay sheegeen saraakiisha waxbarashada waxaa ka muuqatay horumar fiican oo ardadadu ay gaareen, maqsuudna ka dhigay waalidiinta qaarkood.

Zakariye Dhaqane Cabdiraxmaan oo 18 jir ah waa uu ku faraxsan yahay oo darajo sare ka gaaray tacliinta uu ka helo iskuulka caanka ah ee Alliance Secondary School oo u dhaw magaalada Nairobi.

Zakariye mudadadii uu sugayey natiijada imtixaanka wuxuu bare ka ahaa Dugsiga Sare ee Mandera.

Weriyaha BBC Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo wareystay Zakariye ayuu uga waramay warka farxadda leh iyo natiijadii imtixaadkiisa.