Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dowladda federaalka oo ka hadashay weerarka Alshabaab ee Puntland

Raiisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte ayaa BBC u sheegay in ay ka guuleysan doonaan al-Shabaab balse ay wakhti qaadan doonto.

Hadalkiisa ayaa imaanaya kaddib markii la sheegay in Alshabaab ay la wareegtay deegaano hoostaga maamulka Puntland.

Kooxda waxay la wareegtay gacan ku haynta Garacad iyo deegaano ku dhow, sida dadka deegaanadaasi ay ku warramayaan.

Waxa uu ra'iisul wasaare ku xigeenka u warramay Cabdiraxman Koronto.