Jago u magacaabidda Lula da Silva oo la diiday

Lahaanshaha sawirka AFP e Reuters

Maxkamad ku taalla Brazil ayaa joojisay magacaabidda madaxwaynihii hore ee Brazil Luiz Inacio Lula da Silva loo magacaabay madaxa xafiiska madaxwaynaha xilka ka badashay ee Dilma Rousseff.

Amarka maxkamadda ku taalla Brazilia, ayaa yimid muddo gaaban kadib markii Lula loo dhaariyay jagada loo magacaabay.

Horay ayaa taageerayaashiisa iyo mucaaradkuba dibedbaxyo buuq badan oo iska soo horjeeda waxay ku qabteen iridka aqalka madaxtooyada.

Dadka ka soo horjeeda Lula waxay ku eedaynayaan in uu jagada golaha wasiirada uu u qaatay si uu uga baxsado in lagu soo oogi dacwad ah in uu musuqmaasuq sameeyay.

Waxaa jiray dibedbaxyo xalay ka dhacayay magaalooyin kala duwan oo dalka Brazil ah.

Madaxwayne Rousseff ayaa ku lug lahayd fadeexad ballaaran oo ku saabsan lacago laaluush ah oo la qaatay oo ay ku lug leedahay shirkadda xukuumadda ee shidaalka ee la yiraahdo Petrobras.