Xiisad dagaal oo wali ka taagan Puntland

Sida ay sheegayaan warar laga soo xigtay dadka degaanka ee dhanka xeebta ee Mudug & Nugaal ee Puntland, ayaa waxaa ka socda dhaqhdaqaaqyo ciidan.

Waa goobo aan ka fogeyn goobihii ay maalmihii la soo dhaafay qabsadeen xoogaga al-Shabaab.

Degaanada shalay la sheegay in dagaal culus uu ka dhacay oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa al-Shabab ee dhulka buuraha ah ee Suuji ee gobolkla Nugaal wali ku jira.

Waxaa subaxnimadii hore ee saaka laga maqlayay rasaas ay labada dhinac isweydaarsanayaan, tafaasiil kale oo madax bannaan ma jirto.

Dadkii deganaa goobaha lagu dagaalamayo ayaa ka cararay, cabsi ay ka qabaan in dagaaladu soo cusboonaadaan maadaama wali ciidamada Puntland iyo xoogaga al-Shabab oo buuraha galay ay wali is horfadhiyaan.