Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka dhallinyarada caalamka oo maanta xirmaya

Magaalada Medellín ee caasimadda dalka Colombia waxaa maanta oo Jimcaha ah lagu soo gaba-gabaynayaa kulanka sanad laha ah ee dhalinyarta leh hal abuurka ganacsi ee Global Entrepreneurship Congress.

Kulankani ayaa waxaa ka qayb qaadanaya kummanaan qof oo isugu jira dadka maal-gashiga sameysta, cilmi-baarayaal iyo dadka dejiya siyaasadaha dhaqaalaha ee caalamka oo ka kala socda ilaa 160 waddan.

Shirkani ayaa socday muddo toddobaad ah.

Haddaba Axmed Cabdi Jaamac waxa uu ka tirsan yahay hay'ad lagu magacaabo Shaqo-doon, waxa uuna mid yahay dadka shirkaasi ka qayb galaya, Suheyba maxamed Badqas ayuu qadka taleefoonka Medillin ugu waramay.