Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Galmudug oo sheegtay inay maxaabiis qabteen

Ayado maalintii labaad uu ka socdo dagaal deegaannada bariga gobolka mudug, ayaa maamulka Galmudug waxa ay BBC-da u sheegeen inay qabteen maxaabiis.

Dagaalka waxa uu u dhexeeyaa dagaalyahano Alshabaab ah oo loo maleynayo inay Garacad ka soo noqdeen iyo ciidamada Galmudug.

Koox ka tirsan xagjiriinta Somaliya ayaa dhowaantan waxa ay gaareen Garacad, laakiin maamulka Puntland oo la dagaallamay ayaa maxaabiis badan ka qabtay.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carrabey ayaa arrintaasi uga warramay Faarax Lamaane.