Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dad ku dhintay daadad ku soo rogmay deegaanka Dila ee gobolka Awdal

Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen daadad ka dhashay roobab xoog leh oo ka da'ay deegaanno ka tirsan gobolka Awdal.

In ka badan10 qof oo kale ayaa la sheegay in daadadkaasi laga soo badbaadiyay, iyadoo dadka deegaanka iyo maamulka gobolkaba ay u gurmadeen.

Daadadka ayaa ku dhuftay doox ay ku yaalaan hoteelo lagu nasto cuntana laga cuno oo ku yaal magaalada Dila.

Qaar ka mid ah dadka badbaaday ayaa waxa ay fuuleen dhirta.

Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, waa gudoomiyaha Gobolka Awdal, khadka taleefanka ayuu mar uu ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen waxa uu ugu warramay weriyahayaga Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.