Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxda Kenya oo soo dhaweysay go'aanka maxkamadda ICCda ee Ruto

Madaxda dalkan Kenya ayaa waxa ay soo dhaweeyeen go'aanka xaakimiinta Maxkamadda Caalamiga ee Danbiyada ay ku hakiyeen dacwaddii loo haystay madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto iyo wariyaha Joshua Sang.

Xafiiska dacwad oogaha ayaa sheegay in aannu hayn caddeyn ku filan oo muujineysa in Mr Ruto uu dembi galay.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa loo haystay in uu galay dembiyo ka dhan ah aadanaha intii ay socdeen qalalaasihii dhiiga badan uu ku daatay ee Kenya ka dhacay sanadkii 2008-dii.

Dacwad oogayaasha ayaa joojiyay eedo noocan oo kale ah oo loo haystay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Haddaba go'aanka maxkamadda waxaa soo dhaweeyay, Hogaamiyaha Aqlabiyadda ee Baarlamanka Kenya, Aadan Barre Ducaale, oo u warramay Cabdinuur Aadan oo ka tirsan BBCda ee Laanta afka Sawaaxiliga.