Bulshada rayidka oo dhaliishay shirka madasha

Waxaa weli magaalada Muqdisho ka socda shirka madasha wadatashiga ee ay madaxda Soomaaliya kaga arrinsanayaan farsamooyinka iyo qaabka ay u dhacayso doorashada la filayo sanadkan.

Shirka ayaa ah mid ay albaabada u xiran yihiin, balse waxaa hadda soo baxaya dad dhaliilsan qaabka ay wax u socdaa.

Dadkaasi waxaa ka mid ah kuwa u dhaqdhaqaaqa ururada bulshada, oo ku doodaya in haddii maamul goboleedyada la siiyo awood ay kusoo xulaan xubnaha baarlamaanka ay taasi waxbadan u dhimi doonto dalka.

Cabdullaahi Axmed Shirwac oo ah guddoomiyaha ururada bulshada rayidka ee Soomaaliya, ayaa arrintaasi uga warramay weriyaha BBC Axmed Xaaji Xasan.