Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda abaarta Soomaaliya oo laga deyrinaayo

Xaaladda aadanaha ee cimilada xumaanaysa ee sii socota ee El Nino ayaa aad looga walaacsan yahay, waxayna saameysay 60 milyan oo qof.

Saadaasha waxay muujineysaa in xaaladda sanadkan 2016ka aysan soo hagaagi doonin.

Gaajada iyo dhibaatada ayaa laga cabsi qabaa inay ku sii siyaado malaayiin qof oo nugul, cunna yaradana waxaa loo maleynayaan inay sii soconeyso illaa dhammadka sanadkan.

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in abaarahan ba'an ee ay sii adkaysay xaaladda cimilada ee la yidhaahdo Elnino ay ee ka taagan gobollo ku yaalla Puntland iyo Somaliland, ayaa la sheegay inay ku le'an doonaan dad badan hadii aan la helin gar gaar deg deg ah oo lala soo gaadho.

Xoghayaha Hay'ad hormarinta caalamiga ah ka shaqeysa ee UK iyo hay'adda Muslim Charity Forum ayaa waxa ay ka digayaan in xaaladda Somaliland ay macluul isu badasho isbuucyo ama bilo gudahood, Haddii aysan beesha caalamka wax ka qaban.

Farxaan Jimcaale ayaa warbixintaas inoo haaya