Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waxbarashada Itoobiya oo Jigjiga lagu qiimaynayo

Maanta waxaa magaalada jigjiga lagu soo gabogabaynayaa qiimayn lagu samaynayo waxbarashada itoobiya, waxaana hogaaminaya wasiirka waxbarashada ee federalka Shifaraw Shukute.

Qiimayntan waxaa ka qaybqaadanaya sagaalka wasiir ee deegaanada dalka iyo labada maamul magaalo ee Addis Ababa iyo Diridhaba oo ay itoobiya u qaybsantahay.

Waa shirkii koobaad ee noociisa ah ee magaalada jigjiga lagu qabto mudo dhawr iyo toban sano ka badan, haddaba si aan wax badan uga ogaano waxaan khadka taleefanka ee Jigjiga kula xiriirnay Madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka waxbarashada ee Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mawliid Haayir Xasan, Wariyaha BBC Xasan-deeq Cabdullaahi Haybe ayuuna khadka taleefanka ugu waramay