Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Adan Mataan oo su'aal waydiiyay Obama

Madaxweyne Obama oo booqasho ku yimid dalkan Britain ayaa la kulmay dhalinyarada waddankan. Dhalinyarada qaarkood ayaa ahaa Soomaali oo fursad u helay inay su'aalo waydiiyaan Obama.

Waxaa baraha bulshada Soomaalida aad loogu baahiyay muuqaal Obama uu qiraya in uusan jawaab u ahayn su'aalo uu waydiiyay wiil Soomaaliyeed oo la xariirto xeebaha Soomaliya ee lagu daadiyo wasakhda.

Aadan mataan oo fursad u helay in uu su'aal weeydiiyo ayaa ka dalabday Obama in uu wax ka yiraahdo sida uu wax uga qaban karo ka hortagida marakiibta wasakhda ku daadiyo xeebaha Soomaaliya.

Adam Mataan oo madax ka ah Ururka La Dagaallanka Qabyaaladda, ayaa Farhan Mohamed Jimale waxa uu weeydiiyay sida ay ugu suurtagashay in Obama uu su'aashaasi weydiiyo.