Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dawladda iyo Shabaab oo daynuunaay ku dagaalamay

Ugu yaraan toban qof oo ah dhinacyadii dagaalamayay ah ayaa ku dhintay dagaal culus oo saaka aroortii hore ku dhexmaray ciidamada dawladda iyo kuwa Al-Shabaab duleedka magaalada Baydhabo.

Ciidammo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraray salaadii subax kaddib saldhiga ciidammada ee Daynuunaay oo qiyaastii 30km u jirta magaalada Baydhabo, iska hor'imaad kooban kadib Shabaabka waxaa u suurta gashay in ay mudo kooban gacanta ku dhigaan saldhiga iyagoo ka qaatay gaari nooca raaxada ah oo halkaas looga tagay.

Dhinaca kale ciidamo gurmad ah oo ka baxay magaalada Baydhabo una socday Daynuunay ayaa waxaa wadada u galay Al-Shabaab deegaanka maayafuulka ee duleedka Baydhabo, waxana halkaas ka dhacay dagaal culus oo gaystay khasaare ballaaran.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa taleefanka Baydhabo kula hadlay wasiirka warfaafinta maamulka konfur galbeed Soomaaliya Xasan Cabdi Maxamad wuxuna weydiiyay faahfaahinta dagaalka ka dhacay duleedka Baydhabo