Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

87 jir hal mar gaari raacay kaddibna go'aansaday inuusan markale raacin

Cabdi Dugow Sulaymaan, oo ah 87 sano jir, hal mar oo kaliya ayuu gaari raacay noloshiisa. Waa xilligii gumaysiga uu ka talinayay dalka Kenya.

Cabdi ayaa markaasi si halhaleel ah u raacay gaari ay booliska leeyihiin oo ka daba yimid isagoo maraya mid ka mid ah waddooyinka magaalada Wajeer.

Magaalada ayaa waqtigaasi waxaa ka socday shir uu maamulka magaalada hayay, xilligaana waxaa qasab aheyd in dadka oo dhan ay xaadiraan shirarka, taa kama uusan warqabin Cabdi Dugow ee gaarigii ayuu iska raacay, mana uusan ogeyn halka loo waday, sidaana uu xabsiga ku galay.

Bashkas Jugsodhacay ayaa Cabdi Dugow waxa uu kula kulmay magaalada Wajeer sheekadan ayaana dhexmartay.