Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaxootiga oo dareenkooda ka dhiibtay go'aankii Kenya

Jimcihii ayey aheyd marki ay dowladda Kenya ku dhawaaqdey in ay xirayso xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma.

Dowladdu waxa ay kala dirtayba howlwadeenadii waaxda arrimaha qaxootiga, iyadoo sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xiri doonno xeryahaasi.

Haddaba arrintan sidee looga arkay Xeryaha Dhadhaab?

Daahir Maxamed Cali waa oday deganaa xerada Xagar-dheere muddo 25 sano ah, khadka taleefanka ayuu ugu warramay Bashkas Jugsoodhacay oo marka hore waydiiyay sida ay u arkeen go'aankan ay Kenya gaartay.