Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muqdisho oo laga bilaabayo kaarka aqoonsiga

Dawladda hoose ee Muqdisho waxay maanta ku dhawaaqday in ay bilaabayso bixinta kaarka aqoonsiga ee loo yaqaano teesare minishiibiyo, kaas oo markii ugu danbeysay ee la bixiyo ay ahayd 1991kii.

Xaflad weyn oo ka dhacday guriga dawladda hoose ayuu kaga dhawaaqay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho in qof kasta oo ku nool magaalada looga baahanyahay in uu qaato kaarka aqoonsiga.

Haddaba weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa markii ay xaflaadsi dhamaatay waraystay gudoomiye kuxigeenka gobolka Banaadir Ismaciil Macalim Cabdi Guure, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay waxa ay ka doonayaan qaadashada kaarkaasi