Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Borama oo uu ka muuqdo horumar ballaaran

Magaalada Borama ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka gayiga soomaalida ee aadka u ballaartay, waxaa beryahan danbe ku soo kordhay dhismayaal dabaqyo ah oo casri, huteello waaweyn , iyo waddooyin laami ah oo bilicdii magaalada aad wax weyn uga baddalay.

Weriyaha BBC Axmed Saciid Cige oo dhowaan shaqo u tegay Borama ayaa wuxuu bilicda magaaladaasi kala sheekeystay Professor Daahir Maxamuud xaddi iyagoo raacay gaadiidka saddex lugoodka ee bajaajka loo yaqaano oo dadweynuhu aad u isticmaalaan kuna soo wareegeen bartamaha magaalada.