Baadigoobka diyaaraddii EgyptAir oo weli socda

Baadigoobka diyaaraddii EgyptAir oo weli socda

Waxaa weli socda baadigoobka burburka diyaaraddii Egyptair ee lagu waayay bariga badda Mediterranean-ka xilli mas'uuliyiinta Faransiiska ay isku dayayaan in ay ogaadaan in arrintan ay ku dhacday carqaladayn dhanka ammaanka ah oo ka dhacday Paris.

Diyaaradda oo ay saarnaayeen 66 qof ayaa u kala safraysay caasimadaha Paris iyo Qaahira markii ay ka baxday khadkii ay ku safraysay.

Wasiirka Duulista Hawada ee Masar, Shariif Fatxi, ayaa sheegay in sababta ay u badan tahay mid argagixiso.

Haddaba goor dhaweyd ayuu Cabdifitaax Ibraahim Cagayare khadka taleefanka ee Qaahira kula xiriiray Cabdalla Adeec oo ah weriye madax bannaan oo deggan magaalada Qaahira.