Weerar ka dhacay buuralayda Galgala

Weerar ka dhacay buuralayda Galgala

Wararka ka imaanaya waqooyi bari Soomaaliya ayaa sheegaya in labo qarax lagu bartilmaameedsaday kolonyo ciidamada Puntland ah oo marayay buuraha Galgala barqanimadii maanta.

Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhaawacantay kaddib markii labo qarax oo wadada dhinaceeda la dhigay ay ku qarxeen gawaari ay wateen ciidamada daraawiishta Puntland sida ay dadka deegaanku u sheegeen BBC-da.

Kooxda Al-Shabbaab ayaa sheegatay masuuliyadda weeraradaasi iyagoo sheegay in tiro kabadan toban askari ay ku dileen qaraxyadaasi.

Hasayeeshee wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Xasan Soocade, ayaa warkaa ku tilmaantay mid aanan sax aheyn, balse ay igu dileenba 5 ka mid aheyd kooxihii weerrarka soo qaaday, Cabdifitaax Ibraahim Cagayare ayuu khadka taleefanka Garowe ugu warramay.