Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxweynaha Somaaliya oo booqanaya Dhadhaab

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta la filayaa inuu booqdo xeryaha qaxootiga ee Dadaab, uuna la kulmay hogaamiyayaasha qaxootiga iyo hay’adaha xeryaha ka howlgala.

Dadaab waxaa ku jira qaxooti ay Somalida ugu badan yihiin, kuwaas oo halkaa ku sugnaa in kabadan 25 sano.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu noqonayaa madaxweynihii Somaaliyeed ee ugu horeeyay ee booqda Dadaab muddadii ay xeradaasi jirtay.

Booqashadiisa waxay ku soo aadeysaa xilli ay dowladda Kenya isu diyaarineyso inay xirta xeryaha Dadaab, ugu dambeyn bisha November ee sanadkan.

Kaddib madaxweynaha waxa uu imaanayaa magaalada tan ee Nairobi oo uu kula kulmidoon madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay isla eegi doonaan arrinta dib u celinta qaxootiga Somalida.

Safiirka Somaliya u fadhiya Kenya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa weriyaha BBC-da Cabdirazaaq Xaaji Catoosh uga warramay arrintaasi.