Jiritaanka dad maqaarkoodu casyahay (Albino) ee dalka Malawi oo walaac laga muujiyay

Kooxda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ka digtay jiritaanka dilalka cusub ee dadka Albino ee maqaarka jirkoodu cas yahay ee dalka Malawi.

Qaramada Midoobay ayaa diiwaan galisay ilaa 65 kiis oo dadkan ah oo la afduubay, jirkooda la jarjaray ama la dilay ilaa 2014.

Amnesty ayaa sheegtay in weeraradu ay sare u kaceen inkastoo dowladda Malawi ay soo saartay wareegto amraysa in toos loogu toogto ciddii lagu qabto afduubka dadkan.

Tenganawo Mzumara oo ah dhakhtarada ayaa Malawi ku dawaysa dadka Albino.

Waxay sheegtay in loo baahan yahay in dadaal dheeraad ah laga galo sidii wax looga badali lahaa garaadka dadka iyo la tacaalidda quraafaadka.