Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cumar Faaruuq oo loo doortay xubin guddiga fulinta ee IFJ

Xiriirka caalamiga ah ee weriyayaasha adduunka ee (IFJ) International Federation of Journalists, ayaa toddobaadkan ku soo gabagabeeyay dalka Faransiiska shirweynahoodii - kaasi oo sanadkan ay ku dooranayeen madaxda iyo guddiga fulinta ururkaasi oo ah midka caalamka ugu balaaran.

Xiriirkan oo la aasaasay sanadkii 1926 waxaa xubno ka ah 600,000 oo weriyayaal ah oo u kala dhashay 139 waddan.

Haddaba waxaa markii ugu horreysay guddiga fulinta ee International Federation of Journalists (IFJ) loo doortay in uu xubin ka noqdo qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah - Cumar Faaruuq Cusmaan.

Cabdinuur Shiikh Maxamed oo wareystay ayaa weydiiyay sida ay u dhacday doorashada.