Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhismaha Guddiga Saxaafadda Soomaaliya oo la dhaliilay

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa dhawaan magacaabay xubnaha Guddiga Saxaafada Qaranka Soomaaliya oo ka kooban 9 xubnood.

Guddigan markii la magacaabay waxaa ka biyo diiday daladda SIMHA oo ah mid ay ku midaysan yihiin qaar badan oo kamid ah warbaahinta gaarka loo leehay ee Soomaaliya.

Daladdan waxay sheegaysaa inaan lagala tashan dhismaha gudigan sidaas darteedna ay ku gacan sayreen xubin guiddagan laga siiyay.

Arimahaasina waxaan ka waraysanay gudoomiyaha SIMHA, Xasan Cali Geesey. Weriyaha BBC-da Cadbrisaaq Xaaji Catoosh aytuu u waramay.