Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay tahay sababta loo dhaliilay xukunka maxkamadda ee Mursi

Waxaa isa soo taraya dhaliilaha loo jeedinaya xukun shalay ay ku ridday maxkamad ku taala dalka Masar, madaxweynihii hore ee dalkaasi Maxamed Mursi. Taasi oo Mursi ku xukuntay xabsi daa'in.

Mursi iyo labo weriye oo ka tirsan Al-Jazeera ayaa ka mid ah 12 ruux oo lagu eedeeyay in ay u basaasayeen dalka Qatar.

Mursi ayaa horey ugu xukunnaa dil iyo xabsi daa'in, waxaana xukunkaasi maxkamadda lagu tilmaamay mid siyaasad ka dambeyso.

Haddaba maxay tahay sababta loo dhaliilay xukunkaasi, su'aashaasi iyo kuwo kale ayuu Xasan Cali Geele u bandhigay Cumar Aadan Qaadi, oo horey ula soo shaqeeyay hay'adda Oslo Peace Centre ee dalka Norway iyo sidoo kale Qaramada Midoobey.