Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay yihiin jasiiradaha Masar ay dooneyso in ay ku wareejiso Sucuudiga

Dalka Masar, maxkamad ayaa wax kama jiraan ka soo qaaday heshiis dhigayey in dawladda dalkaasi ay lahaansha labo jasiiradood oo ku yaal badda cas ay ku wareejiso dawladda Sucuudiga.

Waxaana dawladda Masar ay ku adkaysatay in jasiiradahani Sucuudigu uu markii horeba lahaa, dowladda Masarna ay ilaalin jirtay.

Haddaba jasiiradahani taariikh ahaan cidda leh iyo waxa ay yihiin, su'aalahaasi iyo kuwo kale ayuu Xasan Cali Geele u bandhigay Cabdullahi Adeec oo ah suxufi madax bannaan oo deggan magaalada Qaahira.