'Saamaynta aftida Britain waa laga badbadiyay'

Dalka Britain waxaa wali ka socdo hadal-haynta cawaaqibka siyaasadeed ee ka dhashay natiiajda aftidii dalkaasi ka dhacday ay Britain go'aan ku gaartay in ay uga baxayso Midowga Yurub.

Ninka sida wayn ugu ololaynayay in Britain ay ka baxdo EU, Boris Johnson, ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo in saamaynta ka bixtaanka Midowga Yurub.

Boris iyo Xogahaya Arrimaha Gudaha ee Britain Theresa May, ayaa lagu wadaa inay u tartaman hoggaanka xisbiga conservative-ka. Qofkii hoggaanka xisbiga qabto waxa uu noqon doono Ra'iisulwasaraha britain david Cameron.

Dhinaca kale, suuqyada dhaqaalaha ee qaaradda Aasiya ayaa dib uga soo kabsanaya hoos u dhacii ay la kulmeen Jimcihii, kaddib markii natiijo lama filaan ahayd ay ka soo baxday aftidii Britain.