Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Aragtida culimada ee siyaasadda jinsiga

Magaalada Muqdisho waxaa shir jaraa'id ku qabtay hay'adda culimada Soomaaliyeed kaas oo ay uga hadlaysay aragtidooda ku aadan siyaasadda qaran ee jinsiga ee ay xukuumadda Soomaaliya meel marisay bishii hore.

Culimada ayaa qabta fikrado ka duwan qodobo badan oo ku jiray arrintaas.

Weriyaha BBC Ibraahim Maxamad Aadan ayaa markii uu shirkaasi jaraa'id dhamaaday waxa uu waraystay gudoomiyaha hay'adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad, wuxuu marka hore weydiiyay, waxa uu ku saabsanaa shirka ay qabteen