Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Axmed Nur Jimcaale oo xayiraada laga qaaday

Waaxda maaliyadda ee dawladda Maraykanka ayaa dabayaaqada todobaadkii hore soo saaratay qoraal ay ku sheegtay inay liiska argagixisada kaga saartay Sh. Axmed Nuur Cali Jimcaale oo ahaa madaxii shirkadda Barakaad oo dawladda Maraykanku ku dartay liiska Argagixisada.

2001 ayey ahayd markii xukuumadda Maraykanku ay sidoo kale xayirtay hantidii shirkadda Barakaad. Sheekha oo iminka jooga Saudi Arabia ayaa khadka telefoonka ugu warramay Faarax Lamane, waxuunan marka hore weydiiyey inuu ka warramo goortii iyo sidii ay akhbaartu ku soo gaartay.