Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Laamaha ammaanka Kenya oo lagu eedeeyay dhalinyaro la la'yahay woqooyi bari Kenya

Hay'adda xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa maanta lagu wadaa in ay soo saarto warbixin lagu muujinayo sida qaar ka mid ah dhalinyarada gobolka woqooyi bari kenya loo waayo meel ay jaan iyo cirib dhigaan, iyadoo arrintaana ay dadka deegaanka ku eedeynayaan laamaha ammaanka ee dalkaasi. Hawlwadeenada u dhaq-dhaqaaqa arrimaha xaquuqul insaanka ee gobolkaasi ayaa sheegaya in ku dhawaad lixdan qof oo ka tirsan dhalinyarada gobolka la la'yahay halka qaar kalena la laayay, arrintaa oo lagu eedeynayo ciidamda booliska gaarka ah ee la dagaalanka argagixisada. Haddaba weriyaha BBC-da Ciise Xaaji Cabdulle ayaa booqday qqaybo ka mid ah gobolkaasi warbixintan ayuuna ka diyaariyay.