Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaalad nololeed oo adag oo la soo daristay barakacayaasha Boosaaso

Barakacayaasha ku nool magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, ayaa ka cabanaya nolol xumo xilli magaalada uu ka jiro kuleyl ba'an oo sanad waliba xilligan oo kale soo dhaca.

Dadkaasi ayaa si gaar ah uga cabanaya biyo yari, iyo in aanay mardhow helin wax gargaar ah.

Boqolaal qoys oo barakacayaal ah ayaa ku nool magaalada Boosaaso, waxaana inta badan ay ka soo carareen abaarihii dalka ka dhacay iyo weliba colaado.

Caasho Axmed Xasan, waa hooyo ka mid ah barakacayaasha Boosaaso, khadka telefoonka ayay ugu warrantay weriyaha BBC Suheyba Maxamed Badqas.