Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qoondada dumarka Soomaaliya oo laga walwalsan yahay

Ururrada haweenka ayaa muujiyay sida ay uga warwarsan yihiin in qoondada haweenka ee boqolkiiba sodonka ah aan la helin doorashooyinka soo socda.

Waxa jira walaac ku aadan in murashaxiinta aqalka baarlamanka lagu xiro lacago, taas oo ay haweenku aad uga soo horjeedaan.

Weiyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa arintaasi ka waraystay Sahro Maxamad Axmed oo u ololeysa arimaha haweenka.