BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Talaado, 31.07.2001 - 16:57 Wakhtiga London
Taalla laga dhisay Hargeysa
Taalada laga dhisay Fagaaraha Qayriyada
Taalada laga dhisay Fagaaraha Qayriyada

Axmed Saciid Cige - Hargeysa

Dadweyne aad u tira badan ayaa u soo daawasha tagay diyaarad kuwa dagaalka ah oo la saarayey taalo laga dhisay fagaaraha la yiraahdo Khayriyada ee magaalada Hargeysa maanta.

Dayaaradan oo nooceedu yahay Miig 17, waxaa laga soo qaaday Garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Hargeisa.

Waxaa masuuliyinnta dawladda hoose ay sheegeen, in dayaaradaasu ay ka mid ahayd raxan diyaarado ahaa oo ka qaybqaatay, sida ay sheegeen, duqayntii magaaladda Hargeisa dagaaladii 1988kii ee ay iskaga soo horjeedeen ciidamadii SNM iyo kuwii dawladii Maxamed Siyaad Barre.

Hawsha taaladan dayuurada la dulsaaray, waxa ay ahayd arrin maamulka dawladda hoose ee Hargeisa muddoba ay ku hawlanaayeen dhamaystirkeeda.

Maamulka dawladda hoose ee magaaladda Hargeisa, waxa weriyaha BBCda ay u sheegeen in ujeedada taalada laga leeyahay ay tahay si taariikh ahaan maanka loogu hayo xasuuqii loo geystay dad rayid ahaa oo ciidankii ay u samaysteen inay cadowga ka difaacaan uu laftiisi isaga oo dayaarado adeegsanaya uu duqaynayey isla magaaladii ay dayaaradahaasu ka kacayeen.

Qaar ka mid ahaa dadkii daawanayeytaaladaasi iyo dayaaradda la dulsaaray, oo weriyaha BBCdu uu kula kulmay goobta Khayriyada la yirahdo oo ku taala bartamaha Hargeisa, ayaa u sheegay inay ka mid ahaayeen dadkii ka badbaaday duqayntaasi muddo haatan laga joogo 13sano, iyada oo qaar kalena u sheegeen inay ku dhaawacmeen faliiradii gantaalihii ay tuurayeen diyaaradahaasi xiligaasi.

Dadkaasi , waxa kale oo ay u sheegeen weriyaha, in dayuuradahaasi qaar ka mid ah ay wadeen , calooshooda -u-shaqaystayaal laga soo kiraystay koonfur afrika.

Taladaasi, waxa kale oo ka mid ahaa isla markaasna sawiro ka qaadanayey suxufiyiin ka socday warbaahinta caalamka oo fadhigoodu yahay magaaladda Nairobi.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.