BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Khamiis, 23.08.2001 - 15:13 Wakhtiga London
Salaaddiin lagu xirxiray Hargeisa
Madaxweeynaha Somaliland, Maxamed Ibraahim Cigaal
Madaxweeynaha Somaliland, Maxamed Ibraahim Cigaal

Howlgal ay ciidamada dowladda la magac baxday Somaliland maanta ka qaadeen magaalada Hargeeysa ayaa waxaa lagu qabqabtay qaar ka mid ah madax dhaqameedyadii bishii hore ku shiray magaalada Burco oo shalayna shir kale ku lahaa Hargeysa.

Howl galka ciidamada ayaa waxaa ka dhashay iskahorimaad ay dad badan ku dhaawacmeen, waxaana saaka aroornimadii laga maqlayay koonfurta Magaalada Hargeeysa rasaas socotay muddo ka yar hal saac.

Weriyaha BBC-da ayaa sheegaya in salaaddiin kale ay isku xireen oo ilaa iyo haatan ku jiraan gurigii ay maalmahanba ku shirayeen ee Hargeysa.

Weriyaha oo guirigaas soo booqday ayaa sheegaya in guriga ay ku hareersanaayeen koox dhalinyara ah oo hubeeysan.

Guriga ayaa waxaa ku jiray gudahiisa sagaal madax dhaqameed .

Boqor Maxamuud Cali Carab oo ay madax dhaqameedyada kale u wakiisheen in uu la hadla weriyayaasha ayaa sheegay in shan madax dhaqameed xalay guryahooda lagala baxay oo la xirxiray.

Boqor Maxamuud ayaa sheegay in dhalinyarada hubeeysan ay iyagu ka difaaceen in la qabqabta oo saaka ay laba jeer iska horyimaadeen dhalinyarada iyo ciidamada ammaanka Somaliland.

Salaaddiinta la xirxiray ayaa waxaa ay kala yihiin Sulddaan maxamed Sulddaan Cabdiqaadir, Sulddaan Maxamed Sulddaan Xirsi Qani, Sulddaan maxamed Axmed Sheikh iyo Sulddaan Maxamed Xaddi.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.