BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Sabti, 29.09.2001 - 14:09 Wakhtiga London
Shaqaalaha Qarammada Midoobey oo ku laabtay Soomaaliya

Maxamed Caddow - Nairobi

Shaqaalaha caalamiga ah ee Qarramada midoobey ka jooga dalka Soomaaliya ayaa maanta shaqooyinkooda dib ugu laabtay lix maalmood ka dib markii halkaasi laga soo saaray

Wakiilka Qarramada Midoobey u qaabilsan Soomalia islamarkaana ah xiriiriyaha gargaarka Somalia Mr Randolf Kent, ayaa saakay ii sheegay in la xaliyay dhibaatadii hore looga soo qaaday shaqaalaha Somalia oo la xiriirsan caymiska diyaaradaha Qarammada midobey.

Diyaaradaha qarammada midoobey ayaa saaka marki ugu horeeysay tan iyo intii ay dhibaatadu dhacday ka duulay Gegida Diyaaradaha ee Jommo Kenyatta ee Nairobi iyaga oo sida shaqaala tiradoodu dhantahay 45 qof.

Aad ayaan ugu faraxsannahay ayuu yiri Mr Kent in dhibaatada waqti gaaban lagu xaliyay si shaqaalahayaga ay dib ugu laabtaan halka looga baahanyahay isaga oo intaasi ku daray in ay ku dadaalayaan in ay caawiyaan kuwa dhibaataysan islamarkaana isu diyaariyaan in ay wax ka qabtaan abaarta iyo cuna yarida haatan ka jirta waddanka somalia.

Mar aan weeydiiyay in uu ka jawaabo warar la isla dhexmarayay oo sheegaya in qarammada midoobey ay Soomaaliya oga loo soo baxday shaqaalaheeda sababa la xiriira nabadgelyada ayuu Mr Kent ku jawaabay.


Waxaa uu yiri Randolf Kent "Markaan niri waxaa na heshay dhibaata dhinaca caymiska diyaaradaha yaga ah, taas kiliya ayaa ahayd dhibaatada aan go’aankaasi u qaadnay.

Waxaa dhici karta in dadka ay meelaha ay ka midka yihiin dukaamada, makhaayadaha, Xaafadaha iyo dekadaha isku su’aalayaan sababta dhabta ah ee ka dambeeysay go’aankan.

Sabab kale ma jiri karta caymis la’aan ayaan ahayn, haatan oo aan helnayna shaqooyinkii ayaan dib ugu laabanay sida aan hore u sheegnay.

Waxanan aad ugu qanacsannahay wada shaqeeynta iyo xiriirka wanaagsan ee naga dhaxeeya anaga iyo dadweenaha Somalia".

Waxaa uu sheegay sargaalku in hay'adaha Qarammada Midoobey ay lixdii bilood ee ugu dambeeyay wadeen dadaal ay ku muujinayeen ku sugnaantooda Somalia islamarkaana ku badinayeen shaqaalaha halkaasi ka joogo".

Waxaa uu sheegay in talaabooyinkaasi looga gol leeyayhay in lagu xoojiyo howlaha samafalka ee laga wada Somalia oo haatan ka mid ah waddamada ugu saboolsan caalamka.

Diyaaradaha Qarammada midoobey ayaa u qaada Somalia ayaa bil walba ilaa 1,000 ka mid ah shaqaalaheeda iyo kuwa hay'adaha kale ee ku sugan Soomaaliya, waxaana ay shaqaalaha geeyaan ilaa 15 goobood oo ku yaala waddanka.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.