BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Khamiis, 01.11.2001 - 17:40 Wakhtiga London
Muqdisho: Dowladda oo kalsoonidii lagala laabtay

 Halkan ka dhegeyso jawaabta uu Cali Khaliif ka bixiyey rididda dowladdiisa



Xasan Bariise - Muqdisho

Dowladda Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya ee uu hogaamiyo Raiisal Wasaare Cali Khaliif Galeyr ayaa maanta uu baarlamaanka ku meel gaarka ah kalsoonidii kala noqday.

Waxay ahayd maalin ay si weyn dadka oo dhan uga wada sugayeen natiijada waxa ay noqonayso dooddan magaalada oo dhan saaqday.

Saaka ayaa xubnihii baarlamaanku ay sidii caadada ahayd u dareereen hoolkoodii shirarka ee ku meel gaarka ah ee dugsigii hore ee booliska.

Maanta waxay maalmihii la soo dhaafay kaga duwanayd iyadoo ammaanka aad loo adkeeyey oo aan loogu simin xaajada booliskii ilaalada ka haa waddooyinka soo gala dugsiga booliska.

Waxay indhahaygu qabteen ciidan aad u hubaysan oo ah militari kuwaasoo hubkooda iyo gaadiidkooda ay u dheereyd iyagoo xitaa fuushanaa geedaha iyo buuraha dhinaca afisiyooni ka xiga iskoola bulisiyo, iyadoo welibana ay qaarkood koofiyadaha helmutka ah u sur-surnayeen geedo caleemahood oo ay ku qarinayeen bidhaantooda qofkii ka fog.

Cid kasta wey dareentay in maanta aanay xaaladuu caadi ahayn, waxaana durbaba la guda galay dooddii intii ka harsanayd mudaneyashii fikirkooda ka dhiibanayey amuurta ridista Cali Khaliif iyo dowladdiisa.

Maanta waxaa fadhiday 174 mudane hoolka shirka, taasoo u bannaysay guddoomiyaha baarlamaanka in uu ku dhawaaqi karo furista doodda kalsooni kala noqoshada xukuumadda.

Durbaba waxaa dhammaatay dooddii shantii xubnood ee ugu dambaysay, iyadoo uu ahaa Mukhtaar Xaaji Xaamud ninkii ugu dambeeyey ee hadla kaasoo qabay in aan xukuumadda la ridin.

Guddoomiyaha baarlamaanka Cabdalle Deerow Isaaq ayaa amray in cod loo qaado ridista xukuumadda. Waxaa in la rido farta u taagtay 141 xubnood.

Dabadeed waxaa la dalbay in la tiriyo kuwa iyagana ka soo horjeeda ridista xukuumadda, waxayna noqdeen 29 xubnood iyadoo afar xubnoodna ay isgaba aamuseen xaajada.

Cabdalle Deerow Isaaq ayaa dabadeed ku dhawaaqay in ay ansax tahay in maanta xukuumaddii lagala noqday kalsoonidii, taasoo ay mudaneyaal badan sacabka u garaaceen.

Dad badan oo iyagana tubnaa dibadda hoolka shirarka ayaa u guuxay dhawaaqa Cabdalle Deerow.

Si kasta ha ahaatee, waxaa haddana jiray qaar ka tirsan mudaneyaasha barlamaanka oo qabay in aanay xaaladdu si caadi ah u dhicin.

Mudane Saalax Nuux Ismaaciil oo ka mid ahaa raggii ka soo horjeeday ridista xukuumadda ayaa ku tilmaamay sida ay wax u dheceen shirqool ay soo maleegeen madaxweynaha, Cabdalle Deerow iyo koox taabacsan sida uu hadalka u dhigay.

Mudane Saalax waxa uu ku dooday in ridista Cali Khaliif loo adeegsaday waxa uu ugu yeeray awood lacageed iyo qabyaalad, haatanna uu ka walaacsan yahay sida wax kale ay ku dhismi karaan

Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah wasiirrada dowladda Cali Khaliif oo ah ragga hadda shaqada waayaya ayaa ku tilmaamay dhacdadii maanta mid farxad lahayd oo si dimoqraaddina ahna u dhacday.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cali Maxamed Carraale ayaa shegay in ay tani tahay billow fiican oo dhiirrogelinaya mustaqbalka in masuuliyiinta lala xisaabtamo oo la rido ama la doorto hadba waxa uu qofku istaahilo.

Shacabka caadiga ah ayaa sida masuuliyiinta oo kale iyaga xitaa ku kala qaybsan fikirka ridista xukuumadda.

Hase yeshee Cabdalle Deerow Isaaq oo shacabka la hadlay ayaa sheegay in ay xukuumaddani sii hayn doonto xilka ilaa inta uu madaxweynuhu kaga dhawaaqayo Prime Minister-ka xiga, taas oo dabadeed qaadan karta ilaa 30 maalmood in mar kale dowlad dib loo soo agaasimo.

Amuurtan xukuumdda kalsoonida lagala noqday xukuumadda waxay ku so beegantay maalin uun kaddib markii lagu dhawaaqay in shirar ay ka dhacayaan dhowaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirka Nairobi ayaa loogu kala dabqaadayaa masuuliyiinta xukuumadda iyo inta badan xubnaha sar-sare ee golaha SRRC, kuwaas oo dhammaantood xaqiijiyey ka qeybgalka shirkaasi marka laga reebo Muuse Suudi Yalaxow.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.