BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Arbaca, 04.09.2002 - 09:13 Wakhtiga London
Dagaal kharaar oo ka dhacay Muqdisho

Dagaal xoog ayaa Talaadadii ka billowday magaalada Muqdisho kaasoo ay isaga soo horjeedaan maleeshiyooyin beeleed deegaanka isgoyska Fagax. 

Ugu yaraan 12 qof ayaa dhimatay in ka badan 20 kalena wey dhaawacmeen kaddib markii ay maleeshiyooyin beeleed rasaas xoog leh isku weydaarsadeen agaagaaraha isgoyska Fagax ilaa halka loo yaqaanno Sii-Sii ee degmada Yaaqshiid maanta.

Dagaalkan oo si goos-goos ah u socday ilaa beriyihii la soo dhaafay isla markaana qaboobaa gelinkii hore ee maanta ayaa aad u soo kululaaday gelinkii dambe iyadoo labada dhinacba ay billaabeen in ay is-weydaarsadaan qoryaha waaweyn ee ku rakiban baabuurta oo uu ku jiro qoriga loo yaqaanno Zuuga.

Rasaastan la isweydaarsanayo ayaa saameyn xoog leh ku yeelatay ilaa agagaaraha deegaanka isgoyska Sanca, waxaana ka mid ah meelaha ay rasaasta habawga ahi soo gaareysay meelo badan oo ka mid ah degmada Boondheere, ilaa Beexaani, ilaa dhinaca Huriwaa, halka qaraxa qoriga Zuugana uu dhawaqiisu kala gaaray dhammaan magaalada daafaheeda.

Waxaa la rumaysan yahay in tirada dagaalkan ku waxyeellowday ay ka badan tahay tirada laga helayo dhinaca xarumaha caafimaadka ee dadka lagu daweynayo iyadoo dad badan ay deegaanno ka fog-fog goobta uu dagaalku ka socdo ku dhaawacmayaan ama ku dhimanayaan, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa gabar dhallinyaro ah oo galabta ku dhimatay xaafadda Shibbis meel aan aad uga fogeyn isgoyska Sanca.

Sababta dagaalkan uu u socdo ayaanan la ogeyn maaddaama aanu wax siyaasad ama deegaan ku raad lahayn, waxayse dadku si weyn ula xiriirinayaan xurgufo u dhexeeya maleeshiyooyinka labadan beelood oo kolba soo noqonayey ilaa beryihii la soo dhaafay, iyado labadii maalmood ee la soo dhaafayna ay labada dhinac isku haysteen agagaaraha Fagax.

Waxaa gebi ahaanba maanta istaagay gaadiidkii deegaankaasi ka shaqeyn jiray iyo isu socodkii dadka, iyadoo ay dad fara badanna billaabeen in ay ka qaxaan agagaaraha isgoyska Fagax ilaa Sii-Sii iyo deegaanka ku xeeran ee degmada Yaaqshiid, waxaana gebi ahaanba albaabbada loo laabay dugsiyadii quraanka ee deegaankaasi.

 Iska horimaadyada labadan dhinac oo soo noq-noqanahyey kolba mar ilaa muddo dhowr bilood ah ayaa waxaa intaasi ku hawlanaa duqey dhaqameedyo ka tirsan labada dhinac kuwaasoo dadaalkoodu u muuqdo in uu ka xoog badan dadaalka dagaal doonka ah ee maleeshiyooyinka. 

Ma jirto ilaa iyo hadda cid ka tirsan labada dhinac oo ka hadashay dagaalkan.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.