BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Arbaca, 04.09.2002 - 15:17 Wakhtiga London
Shir nabadeed oo lagu soo gabagabeeyay Qoryooley

Xasan Barise - Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu soo gunaanaday heshiis ballaaran oo la dhex dhigay labo beelood oo halkaasi ku dagaallamaysay ilaa bishii Febraayo ee innaga tagtay.

Sida ay weriyeheenna Xasan Barise u sheegeen duqeyda dhaqanka ee beelahaasi waxaa uu muddo 15 cisho ahi wada hadal u socday labada beelood oo dagaalkoodu ay ku gubteen 12 tuulo oo gobolkaasi ka tirsan gaar ahaanna degmooyinka Qoryooley iyo Kurtunwaarrey.

Suldaan Maxamed Xaaji Cumar Tarashow iyo Suldaan Sheekh Aabow Maxamed Nuur ayaa labada dhinac midkood hoggaaminayey, halka dhinaca kalena uu u madax ahaa guddigooda wada xaajoodka Suldaan Xasanow Caliyow Ibrow oo loo yaqaanno Suldaan Furuqle.

Waxaana heshiiskan oo la soo ebyey loo xilsaaray dabagalkiisa toddoba xubnood oo labada beelood ee dagaallantay uu midba labo xubnood ku leeyahay iyo saddex xubnood oo beelaha Samaale ah oo dhexdhexaadiyaney.

Sida laga soo xigtay guddoomiyaha guddiga dhexdhexaadinta, Ugas Xaaji Xasan Ibraahim Dhaayow oo loo yaqaanno Ugaas Bantuukh waxa ay guddigani u xilsaaran yihiin soo eegidda xaaladda tuulooyinkaasi iyo ilaalinti ciddii mar dambe xad gudub sameysa.

Madaxda dhaqanku waxay mahadnaq ballaaran u jeediyeen hay’adaha COSV iyo CEFA oo ka hawlgala gobolkaasi iyo weliba Faadumo Cumar oo madax u ah ururka haweenka IIDA ee magaaladaasi dadaalkii dheeriga ahaa ee ay sameysay xagga nabad-raadinta.

Dagaalkan waxaa ka dhashay barakac aad u baahsan oo ku yimid dad badan oo gaar ahaan aad u tabar yar dhaqaale ahaan oo beeraley u badan. 

Duqeydani nabaddoonnada ahi waxay hadda ku taamayaan sidii ay dib u dejin ugu sameyn lahaayeen tuulooyinkaasi dadkii ka barakacay iyagoo kaashanaya ciddii wax u awoodi karta dadkaasi dhibaateysan, laakiin duqeydu waxay xaggooda sheegeen in ay xoogga saarayaan in aanu dagaal dambe halkaasi ku soo noqon.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.