BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Isniin, 16.09.2002 - 14:50 Wakhtiga London
Xafiiska diiwaangelinta oo laga furay Muqdisho

Xasan Barise - Muqdisho

Labo iyo Toban sano ka dib, waxaa maanta markii ugu horreysay xarigga laga jaray xaruntii dowladda hoose ee dad dhigidda iyo waaxdii faaya-dhowrka ee dowladda hoose ee gobolka Banaadir.

Munaasabad lagu furayey xafiisyadaasi ayaa lagu qabtay xarun cusub oo ku taalla degmada Hodon halkasoo uu xariggana kaga jaray madaxweynaha dowladda KMG ah, Cabdiqaasim Salaad Xasan, sida uu inoogu soo warramayo weriyeheenna

Xaruntan Dowladda Hoose ee gobolka Banaadir waxaa laga furay dhul uu hore u lahaan jiray Xooggii Dalka Soomaaliyeed oo ku taallay meel aan ka fogeyn warshaddii hore ee caanaha ee degmada Hodon, dhulkaasina waxaa gacanta ku haysay ilaa intii ay burburtay dowladdii hore shirkad ganacsato ah oo la
yiraahdo Balqiis, taasoo maanta soo wareejinta dhulkaasi shahaado sharaf lagu guddoonsiiyey.

Ka hor intii aanan maanta la furin xarunta ayaa waxaa muuqata in la soo sameeyey dadaal dheer oo diyaar garaw ah, taasoo laga arkayey waxyaabihii halkaasi lagu soo bandhigay oo ay ka mid ahaayeen dokumentiyadii ay waaxahaasi muhiimka ahi ku hawlgeli lahaayeen.

Xaruntan cusub oo leh xafiisyo badan waxaa marka laga billaabo maalinta berrito ah laga bixinayaa teesareyaashii ay bixin jirtay dowladdii hoose, waraaqaha asluub wanaagga, warqadaha dhalashada, sugnaanta, buugga caafimaadka ee dadka dhoofaya, shahaadooyinka nikaaxa iyo kuwa dhimashada
iyo kuwo kale oo dhammaatood lagu casriyeeyey qalabka kombiyuutarrada si looga fogaado in si sahlan loogu been-abuuran karo.

Waraaqahan oo dadkii badnaa ee halkaasi isugu yimid loo soo bandhigay ayaa leh shaabbadda
qallalan iyo sawirro aan muuqan oo ku dhex yaalla waraaqahaasi

Waxaa halkaasi khudbad ku aaddan munaasabaddaasi ka jeediyey duqa magaalada Muqdisho, Xuseen Cali Axmed, iyadoo ay xubno badan oo ka socda labada gole ee dowladdana goobjoog ka ahaayeen halkaasi.

Madaxweynaha dowladda KMG ah, Cabdiqaasim Salaad Xasan, oo xarigga ka gooyey xaruntan cusub ayaa sheegay in sababta ay dadku u aadaan goobta Cabdalle Shiddeeye ee suuqa Bakaaraha ee lagu macmalo dukumentiyada been-abuurka ahi ay tahay in ay halkaasi ka heli karaan dadweynaha adeeg deg-deg ah isla markaana qiime jaban, si dabadeed arrintaasi looga samata baxana waxa uu madaxweynuhu ku boorriyey masuuliyiinta ka hawlgelaysa xaruntan cusub in dadka loo de-dejiyo hawlahooda oo aanan wax caqabado ah la hor dhigin.

Sidoo kalena, waxaa dadweynaha Soomaaliyeed looga digay adeegsiga waraaqaha aan sharciga waafaqsanayn taasoo sida hadalka loo dhigay ay kala kulmi karaan dhibaatooyin gaar ahaan dadka dhoofa.

Wasiirka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Ibbi, ayaa sheegay in waraaqahan cusub, shaabbadahooda iyo
saxiixyada masuuliyiinta cusubba la geeyey waddamada la saaxiibka ah dowladda KMG ah, oo sidaasi darteedna ciddii ay ku helaan dokumentiyo aanan wadan astaamaha dowladda ay u aqoonsanayaan kuwo been abuur ah.

Dardartan cusub oo ay hadda la soo baxayso dowladda KMG ah oo labadii sano ee la soo dhaafay aanan qaban hawlaha noocaan oo kale ah ayaanan la ogeyn waxa hadda sidan u soo baraarujiyey weliba xilli aanay haysan wax lacag ah oo buuran, waqti iyo awood badan oo lagu hawlgeliyo hawlaha noocaan oo kale ah.

Waaxda dad dhigidda ee dowladda hoose waa meesha ay mushkiladaha ugu badan ee dalka ka jiraan maaddaama ay lumen inta badan dokumentiyadii sugnaanta dadka, iyadoo aanan awalkii horena marna la soo tiro koobin dadka Soomaaliyeed oo u badan dad reer guuraa ah oo aan melba fadhin.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.