BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Jimce, 27.09.2002 - 16:38 Wakhtiga London
Culumo ku shirtay Muqdisho


Waxaa hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho lagu soo gebagebeeyey kulan u socday culumaa'uddiin Soomaaliyeed oo kor u dhaafay 60, kuwaasoo ka hadlayey arrimo badan oo saameeya siyaasadda iyo dhaqanka Soomaalida.

Kulankaasi Raabiddada Culumada Soomaaliyeed oo lagu magacaabay in uu ahaa mid aqoon is-weydaarsi ah, ayaa lagu falanqeeyey kaalinta culumada ee waagii hore iyo waqtiga la joogo, mideynta waxa loogu yeeray safka hore ee culumada iyo ka qeybqaadashada xallinta mushaakilka Soomaaliyeed, waxaana doodo dhaadheer kaddib halkaasi ka soo baxay go'aanno ka kooban toban qodob.

Kulankan culumada oo uu shir guddoomiyey Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdul-Baari, ayaa waxaa ka mid ahaa qodobbada ka soo baxay in ummadda Soomaaliyeed loogu yeero in ay dib u heshiiyaan lana xoojiyo diinta Islaamka.

Waxaa kaloo qodobbada ka mid ah in laga shaqeeyo sidii loo hirgelin lahaa Shareecada Islaamka loona baadi-dooni lahaa dowlad dhaqan-gelisa.

Raabbidada Culumadu, waxay ugu yeertay ganacsatada iyo hantiileyaasha Soomaaliyeed in ay xoolahooda kaga qeybqaataan raadinta wanaagga bulshada dhexdeeda ah halkii ay lacag ku bixin lahaayeen hurin dagaal iyo dhiig sokeeya oo la daadiyo, waxayna sidoo kale ugu baaqeen siyaasiyiinta, hoggaamiye kooxeedyada, iyo dhallinyarada dagaallada loo adeegsado in ay ka waantoobaan colaadaha oo taasi beddelkeedana la isugu yimaado miis wada hadal oo lagu baadi goobo qarankii Soomaaliyeed ee lumay.

Culumadu, waxay kaloo ka hadleen in ay waajib tahay in laga hortago dhaqan-xumada, dilka iyo guud ahaan waxyaabaha xun-xun ee bulshada Soomaaliyeed ku dhex faafay, waxaana ay qodobbadan muhiimka ahi soo baxayaan xilli ay magaalada Muqdisho ka socoto xiisad qafaalasho oo loo geysanayo dadka rayidka ah, iyadoo la weydiisanayo madax furasho, waxaana ilaa toddobaadkii tegay ay dabley Soomaaliyeed Muqdisho dhexdeeda ku qafaasheen dad ka badan 11 ruux, kuwaasoo qaarna madax furasho lagu sii daayey, qaarna weli la haysto.

Culumada gaartay go'aannadan oo ay sidoo kale ka mid ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Muxidiin, Sheekh Xasan Cadde, Axmed Cabdi Daahir, Axmed Maxamed Suleemaan iyo rag kale oo badan ayaanan la ogeyn waxa hadda isu keenay oo ay kulankan u qabsadeen, waxaase lala socdaa in haatan lagu jiro xilli ay dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo ururrada bulshadaba u ololeynayaan ka qeybgalka shirka dhowaan la filayo in kooxaha Soomaaliyeed loogu qabto dalka Kenya.

Hase yeeshee, culumadan waxba kama aysan sheegin shirkaasi, waxayse muujiyeen in uu jiro door ay leeyihiin oo ay malaha si weyn uga gaabiyeen ilaa intii ay billowdeen colaadaha sokeeye.



Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.