BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Talaado, 01.10.2002 - 14:05 Wakhtiga London
Somalia: ahmiyadda cusub ee beesha Caalamka

Maxamed Caddow - Nairobi

Beesha Caalamka ayaa la sheegayaa in ay haatan indha gaar ah ku fiirinayso waddanka Soomaaliya oo ay door weyn ka ciyaarayso qabanqaabada shirka dib u heshiisiinta ee lagu qaban doono dhawaan waddanka Kenya.

Beesha caalamka ayaa waxaa la sheegayaa in haatan ay ka go'antahay in ay garab istaagto Soomaaliya islamarkaana nabad ka aslaaxiso waddankaasi ay dagaalada aafeeyeen dowlad la'aana ahaa 12-kii sanee naga tegay .

Waxaa la sheegayaa in Shirweynaha nabadeenta Soomaaliya ee la qorshaynayo in bartamaha bishan lagu qabto waddanka Kenya uu yahay mid ay maalgelisay oo ay hageyso beesha caalamka.

Dibloomaasiyiin Reer Galbeed ah oo iyagu ka gaabsaday in lamagacaabo ayaa weriyaasha ugu waramay Nairobi xalay.

Dibloomaasiyiintani oo ka kala socda Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa sheegay in beesha caalamka ay taageera u muujisay shirka iyada oo deeq iyo balanqaadba u fidisay.

Waxaa ay sheegeen in Midowga Yurub uu bixiyay 500,000 oo lacagta Euro-ga ah, Dowladda Germany ay bixisay 750,000 Euro, Mareykanka uu bixiyay 100,000 oo doolar islamarkaana balanqaaday in uu bixinayo 250,000 oo Doolar oo dheeraad ah.

Dibloomaasiyiinta waxaa kale oo ay sheegeen in Dowladda Britain ay bixisay 25,000 oo gini, Jaamacadda Carabtana ay dhiibtay 50,000 oo doolar dowladda Talyaanigana ay balanqaadday in ay bixinayso qarshaka ku baxaya iskuduwidda iyo socodsiinta hawsha shirka.

Cadaadis

Waxaa ay sheegeen in beesha caalamku ay cadaadis ku saari doonto dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya in ay heshiiyaan.

Waxaa ay xuseen in ay u caddaatay in khilaafka Soomaaliya uu waqti dheer qaadan karayao xalintiisa haddii aan Soomaalida lagu taageerin soo afjaridda khilaafkooda.

Waxaa ay shaaca ka qaadeen in Midowga Yurub go'aanna dhawaan uu ka gaaray xaaladda Soomaaliya uu ka mid yahay in cadaadis iyo cunaqabateynba la saaro cid walba oo loo arko in ay caqabad ku tahay howlaha nabad u raadinta khilaafka Soomaaliya gudaha iyo dibadda waddanka halkay doontaba ha ku sugnaatee.

Dibloomasiyiintan xalay noo waramay waxay sheegeen in shirka Eldoret in uu yahay mid la isku wada raacsanyahay oo la doonayo in ay ka soo baxaan qaabka dowladda mustaqbalka hagi doonto Soomaaliya.

Qeybaha shirka


Waxaa kaloo ay sheegeen in shirka Eldoret uusan ahayn shirweyne dib u heshiisiineed balse uu yahay geedisocod nabad loogu raadinayo Soomaaliya oo dhowr qeybood ah.

Qeybta ugu horeysa ayaa Dibloomaasiyiintani ay sheegeen in lagu raadin doono diyaar u ahaanshaha qaabka dowladda iyada oo qeybta labaad ay guddiya farsamo ka shaqeyn doonaan hufidda qaabka lagu heshiiyay qeybta koowaad ee geeddisocodka.

Qeybta saddexaad ayaa lagu anasaxinayaa qaabka dowladda iyada oo qeybta afaraad oona ah tan ugu dambeyso looga xaajoon doono qaabka awoodda loo qeybsanaya.

Waxaa ay sheegeen in dadaalkani uusan ahayn mid lagu soo afjari karayo muddada ka laaban sanadkani oo uu socon doono ilaa sanadka dambe.

Dibloomaasiyiintu waxaa in ka qeyb galayaasha shirka ay yihiin ilaa 300 oo qof oo 200 ay ka socdaan kooxaha siyaasadda iyaga oo 100-ka kalena ay ka socdaan bulsahada rayidka ah.

Waxaa ay sheegeen in arimaha xasaasiga sida lahaanshaha dhulka iyo hub ka dhigidda looga wada xaajoon doono Eldoret.

Waxaa kaloo ay ku nuuxnuuxsadeen in dadaalkan Urur Goboleedka Igad uu hormuudka u yahay uu san dowladda ku meel Gaarka ah ee lagu soo dhisay shirkii Carta uusan ku beddeleynin xukumad kale oo ku meel gaar ah balse la soo saarayo xukumad kale oo ka cimri dheer kana baahsan dowladda Ku meel gaarka ah ee haatan.

Waxaa ay xuseen in shirkii Carta ee waddanka Djibouti lagu qabtay uu yahay kii ugu natiijo wanaagsanaa ee ebad soo maro Soomaaliya balse laftirkiisu uu qabyo ahaa.

Waxaa ay sheegeen in dowladda Ku meel Gaarka ah ay heshay taageero ku filan halkay doontaba ha ka heshee oo uu saamixi karaysay dhameystirka dadaalkii Carta, balse nasiib daro aan inta badan hawshani suuragelin waa sida ay hadalka u dhigeene.

Mar ay ka hadleen ka soo qeyb galka Somaliland ee shirka Eldoret ayaa Dibloomaasiyiintu waxaa ay sheegeen in mas'uuliyiinta Somaliland ay u xaqiijiyeen in aysan ka soo qeyb galeynin shirka.

Waxaa ay sheegeen in ay qaddarinayaan go'aanka Somaliland oo ay ula dhaqmaan sida caadiga qeyb ka mid ah waddanka Soomaaliya oo raadinasyo madax banaani.

Dibloomaasiyiinta waxaa ay sheegeen in aan shirka loo ogolaaneynin cid iyadu sheeganayso in ay mataleyso Soomaliland haddii marba aysan ka soconin dowladda Somaliland.

Hamid Karzai-yada Soomaaliya

Mar wax laga weyddiiyay waxa haatan keenay in beesha caalmka ay ahmiyad intan la eg siiso Soomaliya ka dib toban sanadood oo ay ka jiiftay arimaha Soomaaliya ayaa waxaa ay ku jawaabeen in 11-kii September ka dib uu caalmka ku soo baraarugay in Somaaliya ay gabaad u noqon karayso argagixisada.

Waxaa ay sheegeen in sababtani awgeed uu caalamku maanta u doonayo in Soomaliya sharci iyo kala dambeyn lagu soo dabaalo.

Waxaa kaloo la weyddiiyay in ay dhab tahay in Mareykanku uu durbadiiba la soo baxay cidda hoggaamin lahayd Soomaaliya iyada oo ay jiraan shaqsiyaad isku magacaabay Hamid Karzaayada Soomaaliya oo taageera ka haysto Mareykanka.

Waxaana ay ku jawaabeen in arinta ku saabsan hoggaanka Soomaaliya ay tahay arin u taala Soomaalida in ay go'aan kaga gaaran shirku Beesha caalamka iyo Mareykanku toona aysan cidna magacaabin.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.