BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Axad, 06.10.2002 - 13:49 Wakhtiga London
Shirka Kenya: waraaqa been abuur ah


Guddiga Farsamada ee Urur Goboleedka Igad ee haatan ku howlan qabanqaabada Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Kenya ayaa walaac ka muujiyay dokumentiyo beenabuur ah oo ku saabsan shirka oo haatan la isla dhexmarayo.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ergiga gaar ah ee Kenya u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mr Elijah Mwangale ayaa lagu sheegay in dokumentiyadani ay ku saabsanyihiin ka soo qeybgalka shirka la filayo in uu magaalada Eldoret ka bilaabmo 15-ka bishan.

Waxaana ay warbixintu oga digtay dadweynaha in aysan aaminin liisaskaasi iyada oo liiska rasmiga ah ee ka qeyb galka shirka la soo saaray maalintii shalay ahayd uun kiliya.

Mr Mwangale oo saaka aan kulakulmay xafiiskiisa xarunta wasaaradda arimaha dibadda ee Kenya ayaa ii sheegay in dokumentiyadan been abuurka ah laga aasaasay Nairobi islamarkaana la geeyay gudaha waddanka Soomaaliya oo ay qas abuureen.

Mr Mwangale waxaa uu caddeeyay in liiska rasmiga ah uu ku sawiranyahay Tiimbaraha wasaaradda Arimaha Diobadda ee Kenya, dhammaan waraaqaha ku saabsan shirka ee mustaqbalkana sidaasi loo qabeen doono.

Waxaa uu ergaygu ii sheegay in shirka ay ka soo qeyb geli doonaan inkabadan 300 oo wafuud ah oo ka kala socda dhammaan qeybaha waddanka Soomaaliya.

Afarta beel ee waaweyn ee Soomaaliyeed ayaa uu sheegay in middiiba loo ogolaaday 67 qof in ay uga soo qeybgasho shirka halka beelaha laga tirada badanyahay isku jirkooda loo ogolaaday 32 qof.

Waxaa uu sheegay in dadka beelaha ay u xulayaan ka soo qeyb galka shirka ay ka koobnaanayaan madax siyaasadeed iyo kuwa milatariba iyo qeybaha bulshada.


Mar aan weeydiiyay in waqtiga yar ee ka harsan shirka uu ku filanyahay in ay isugu yeeraan wufuudda shirka iyo in ay u baahandoonaan in dib loo dhigo shirka ayaa Mr Elijah Mwangale waxaa uu sheegay in aan marnaba shirka dib loo dhigeynin oo iyagu waxba aysan ka dhulyaalin.

Waxaa uu sheegay in diyaaradaha soo qaadi lahaa wufuudda loo dirayo Soomaaliya laga bilaabo 11-ka bishan si ay u soo daadgureeyaan ka qeyb galayaasha shirka.

Waxaa uu caddeeyay in Hoteela badan oo ku yaala Eldoret loo qoonddeeyay in la dejiyo wufuudda shirka balse madasha shirka uu noqon doono Hoteelka Sirikwa ee isla Eldoret.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.