BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Isniin, 21.10.2002 - 11:40 Wakhtiga London
Halkuu marayaa shirka Eldoret?

Maxamed Caddow - Nairobi

Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee magaalada Eldoret ee waddanka Kenya ka socda ayaa lagu soo waramayaa in uu si habsami ah u socda iyadoo wufuudda halkaasi isugu timid ay haatan ka wada xaajoonayaa baaq cusub oo laga doonayo in ay saxiixaan.

Saxiixidda baaqani oo laga doonayo dhammaan kooxaha isugu yimid shirka ayaa waxaa ay waddada u xaaraysaa in shirka uu u gudba kawada xaajoodka arimaha xasaasiga ah ee ku saabsan khilaafaadka soomaaliya.

Ergada isugu timid shirka ayaa haatan la siiyay ilaa gelinka dambe maanta in ay ka wada xaajoodaan qodobada baaqani iyadoo berina ay ka wada doodi doonaan qalinkana lagu duugi dooni maalinta Arbacada ah toddobaadkan.

Qodobada baaqani ayaa waxaa ugu horeeyaa in xukun dowladeed oo loo dhanyahay, isu wadakeento ayna ogolaadaan dhinacyada siyaasadeed ee Soomaaliya loo dhiso waddanka.

In la sameeyo dastuur lagu wada heshiiyay oo qeexaya qaab dhismeedka siyaasadeed, awoodaha iyo howlaha hayadaha dowladda ee kala duwan.

Balaarinta xukunka

Waxaa kaloo ku xusan baaqani in la xaqiijiyo, xuquuqda badbaadinta iyo xaqa uu leeyahay shaqsi iyo koox walba ee ku nool waddanka Soomaaliya.

Waxaa baaqu uu soo jeedinayaa in la balaariyo xukunka waddanka Soomaaliya oo la dhiso hab dowladeed oo ku saleysan xukun goboleed.

Baaqan oo ay soo diyaariyeen dowladaha uu Ururka Igad u xilsaaray xal u raadinta khilaafka Soomaaliya ayaa ku baaqaya si gaar ah la isugu xilsaaro fulinta arintani iyo si daacadnima ah loo wada gorgortamo si gaar ahna looga wada doodo arimaha inta lagu jiro weji walba oo ka mid ah shirweynahani.

Baaqa waxaa kaloo uu ku talinayaa in laga reebtoonaada wax colaad ah oo dambe laga bilaabo 16-ka October sanadkan 2002-da iyo in nabadda la dhowro inta uu socda shirka iyo wixii ka dambeeyaba.

Cunaqabateynta hubka


Waxaa kaloo uu ka talinayaa in wixii khilaaf ah oo ka dhexeeya kooxaha ishaysto lagu dhammeeyo wadahadal siyaasadeed, iyo in kooxaha siyaasadda iyo kuwa militariba ay awooddooda u isticmaalaan isdifaac oo kiliya.

Baaqani ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay in la fuliyo qaraarkii qaramada midoobay ee namabarkiisu yahay 733 ee la soo saaray 1992 ee xayiraad dhinaca hubka ah ku soo rogayay waddanka Soomaaliya.

Waxaa uu ku baaqayaa in Soomaaliyaa lagu martiqaado ilaliyayaal caalami ah oo saldhig ka dhigto gudaha waddanka si ay u xaqiijiyaan fulinta cunaqabateynta .hubka ee saaran Soomaaliya iyo in ilaaliyayaashani loo ogolaado in ay si shuruud la'aan ah ku tegaan goob walba oo ka tirsan waddanka.

Shir-guddoon Soomaaliyeed

Waxaa kaloo laga filayaa in ergada shirka isugu timid ay u codeeyaan in ay xaqiijiyaan in gargaarka baniaadminimo si nabad ah loogu gudbiyo hadba goobtii looga baahanyahay waddanka.

Waxaa kaloo ka mid ah qodobada muhiimka ah ee baaqan in la aqbalo laguna dhaqmo wixii ka soo baxo shirka iyo in lagu hergeliyo siniyad sami ah iyo waqti munaasan ah gudahiis dhammaan qaraarada ka soo baxa shirka.

La dagaalanka argagaxisada iyo ka hortagga in Soomaaliya ay hoyi u noqoto shabakadaha argagixisada iyadoo lala kaashanaya beesha caalamka ayaa ka mid ah qodobada ugu waaweyn baaqani.

Baaqani ayaa waxaa kaloo uu xambaarsanyahay codsi ah in loo ogolaado Urur Goboleedka Igad, Midowga Africa iyo beesha caalamka in ay abaabulaan, islamarkaana ilaaliyaan hergelinta iyo meelmarinta dhammaan wixii go'aan ah ee ka soo baxo shirweynaha Qaran ee Soomaaliya.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.