BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Isniin, 04.11.2002 - 15:21 Wakhtiga London
Amniga Muqdisho oo aan wanaagsanayn

Xasan Barise - Muqdisho

Xaaladda ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaanan hagaagsanayn ilaa beryihii la soo dhaafay, waxaana magaalada ka dhacayey afduubyo fara badan, dil iyo weliba baabuurta oo la qafaasho, gaar ahaanna kuwa gaadiidka dadweynaha. 

Afduubka loo geysto dadka aanan waxba galabsan ayaa uguba sii daran iyadoo ilaa iyo 24-kii saac ee la soo dhaafay ay dheceen ilaa saddex ficil oo noocaas oo kale ah.

Subaxnimadii maanta ayey dabley hubaysani oo wadatay baabuur yar ay weerar ku qaadeen gabar iyaduna wadatay baabuur taxi ah suuqa loo yaqaanno Suuq Bacaad ee Muqdisho dhexdiisa. 

Falkaasi la damcay in lagu qafaasho gabadhaasi ayaa waxaa ku geeriyooday hal nin kaddib markii ay dhallinyaro hubaysan oo meesha ka ag-dhowad ay ka war heleen falka meesha ka socday oo ay dabadeedna u soo istaageen badbaadinta gabadhaasi, waxayna rasaas isdhaafsadeen ninmankii weerarka ahaa.

Dableydaasi wey badbaadiyeen gabadhii waxayna meesha ka eryeen kuwii weerarka ahaa, inkastoo warar dambe oo soo baxayna ay sheegayaan in gabadha iyo nimankii weerarka u geysanayey ay waxoogaa arrimo gaar ahi ka dhexeeyeen.

Waxaa sidoo kale habeenkii xalay ahaa la qafaashay ganacsade Maxamed Xasan Maxamed oo loo yaqaanno Maxamed Luunge oo dabley hubaysani ay kaxaysteen xalay isla markii uu salaadda cishaha ka soo baxay masjid ku dhow halka uu deggan yahay ee degmada Yaaqshiid. 

Maxamed Luunge waxaa la soo sii daayey subaxnimadii maanta kaddib dadaal ay galeen duqey, laakiin waxa uu afduubku marayaa in ka badan toban ruux oo ilaa toddobaadkii la soo dhaafay laga qafaashay meelo kala duwan oo Muqdisho ka tirsan, waxaana dadkaasi weli afduubka lagu haysto ka mid ah Dr Axmed Abuukar oo ka shaqeynayey isbitaalka Xannaanno kaasoo weli ay dabley hubaysani ku haystaan meel aanan la garanaynin.

Falalkan afduubka ah waxa uu kii ugu darnaa dhacay maalintii shalay kaddib markii ay dabley wadatay baabuur weerar ku qaadeen xarunta Dr Maxamed Maxamuud Fuje, halkaasoo xilligaasi ay ka socotay daweynta dadweyne iyadoo uu dhakhtarkuna fadhiyey miisiikiisii.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi kaddib markii ay maleeshiyadii weerarka ahayd iyo kuwo difaacayey dhakhtarka rasaar is-weydaarsadeen, waxaana halkaasi ku badbaaday Dr Fuje. 

Inkastoo ay inta badan dadka deegaankaasi ka dhowaa sheegeen in uu falkaasi ahaa mid la doonayey in lagu qafaasho Dr Fuje, waxa uu haddana dhakhtarku sheegay in uu u arkay weerarka mid la doonayey in isaga lagaga takhalluso.

Dr Fuje waxa uu intaasi ku daray in haddii la doonayo in la qafaasho isaga laga heli karay waddooyinka ee aanan loo baahnayn in bukaanka lagu dhex weeraro.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in dableyda weerarka u geysatay Dr Fuje ay daba joogeen qafaal loo geystay nin u dhashay dalka Suuriya oo dhowr maalmood ka hor ay dabley qafaasheen, waxaana lagu tilmaamay weerarka loo geystay Dr Fuje mid aargudasho ahaa. 

Ninka Suuriyaanka ah ee isagana qafaalan ayaanan ilaa iyo hadda la ogyen meel lagu haysto wuxuuna ka mid ahaa koox Suuriyaan ah oo qaarna ay dawooyinka kala in ay ka ganacsanayeen dhallinyaro Soomaaliyeed, qaarna ayba fureen maqaayad laga cuno raashin carbeedka oo ku taalla hotel Daamey.

Ma ahan qafaalashada oo keliya waxa dhibaatada ku haya dadka reer Muqdisho, ee waxaa iyana sidoo kale jirta dhac baahsan oo lagu hayo gaadiidka dadweynaha.

Ilaa 15 baabuur ayaa la sheegay in lagu kala dhacay waddooyinka Muqdisho dhowrkii maalmood ee la soo shaafay taasoo aad u yareysay gaadiidkii dadweynaha ee qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.

Dhaca gaadiidka iyo afduubka oo wada socda waxay Muqdisho ka dhigayaan meel nabadgelyo ahaan aad u xun iyadoo aanayna muuqan cid isu xilqaamaysa wax ka qabashada dhibaatadan cusub, waxayse dadweynuhu si weyn ugu dhegotaagayaan waxa ka soo baxa shirka hadda inta badan kooxaha Soomaalida uga socda magaalada Eldoret ee Kenya bal in laga helo wax ugu yaraan nabadgelyada Muqdisho uun soo celiya.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.