BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Talaado, 05.11.2002 - 17:31 Wakhtiga London
Muqdisho: Dilkii iyo dhicii oo soo laba kacleeyey

Xasan Barise, BBC. Muqdisho

Lix qof ayaa dhimatay mid kalena wuu dhaawacmay kaddib markii dabley ay weerar ku qaadeen baabuur yar oo ah nooca 'Cresida' agagaarka daarta Zooppe ee KM-5 ee Muqdisho gelinkii hore ee Taladada.

Sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ka ahaa halka uu weerarkaasi ka dhacday, dadka la laayey oo labo ka mid ah ay ahaayeen haween ayaa la socday baabuurkaasi cad oo 'Cresida-da' ah oo markaasina ka yimid dhinaca xaafadda Medina kuna jeeday dhinaca Lambar Afar.

Goobjoogeyaashu waxay intaasi ku dareen in baabuurkan yar ay weerar ku qaadeen dhallinyaro hubaysan oo ka koobnayd shan ruux isla markaana watay baabuur nooca loo yaqaanno caasiyada ah amaba mini-bus qofba sida uu u yaqaanno, kaasoo ku sugayey baabuurka yar goobta uu weerarku ka dhacay ee ku dhow daarta Zooppe.  Xabbaddu waxay ku billaabatay baabuurka yar wax yar ka hor intii aanu soo gaarin meeshaasi, goortaas oo uu ka booday baabuurka mid ka mid ah raggii la socday oo ay isagana rasaastu ka haleeshay hal gacan oo dhaawacmay laakiinse baxsaday.

Lama yaqaanno sababta keentay weerarkan, balse waxay dadku ku tilmaameen in uu ahaa weerar naxdin leh isla markaana xasuuq ah, iyadoo ay muuqatay in labada dhinac, kuwa la dilay iyo kuwa wax dilay ay is-garanayeen, waxaana taasi ay dadka goobjoogeyaasha ahi ay u cuskadeen in aanan haba yaraatee la qaadan oo aan macnaha la dhicin baabuurkaasi la weeraray isla markaana aanan xitaa waxba laga qaadan wixii ay wateen dadkaasi oo afar nin iyo labo haweena ahaa.

Nin goobjeege ah oo ka mid ahaa dadkii ku soo xoomay baabuurkii dadkaasi la laayey ayaa sheegay in uu arkay in dadka qaar ay durbadiida baarasho ku billaabeen dadkii la laayey oo ay bastoolado ka qaateen iyo weliba dahab ay xirnaayeen haweenkaasi iyagana la laayey.  Waxoogaa kaddib, ayaa waxaa goobtaasi yimid booliska dowladda KMG ah, kuwaasoo iyagana billaabay baaritaan la xiriira wixii dhacay, waxaana muddo yar kaddib halkaasi yimid baabuur kale oo daadgureeyey dadkii la laayey.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaanan hagaagsanayn xagga ammaanka ilaa beriyihii la soo dhaafay iyadoo dadkuna ay walaac weyn ka muujinayaan dhibaatooyinka soo kordhaya.  Waxaa magaalada ka jiray beriyihii la soo dhaafay afduub iyo dhac loo geysanayey gaar ahaan baabuurta gaadiidka dadweynaha, mana jirto ilaa iyo hadda cid si rasmi ah isugu taagta wax ka qabashada dhibaatadan xagga nabadgelyo ee ku baahday caasimadda dalka. 

 
Waxaa kaloo aanan iyana la aqoonin waxa gaar ahaan xilligan soo kiciyey maleeshiyooyinkan dhibaatooyinkan geysanaya, iyadoo la rumaysan yahay in aanay wax siyaasad ah xiriir la lahayn, balse loo aaneynayo dhaqaale darro guud oo dalka ka jirta.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.